Wararka maanta iyo waxtarkii shalay

No Comments
gabar lagu xadgudbay
Garabka ayay ka dhaawaceen
Farqi ayaa u dhexeeya nolosha bulshada maanta iyo shalay, shalayto soomaalidu way is jeclaayeen laakin maanta isma jecla, wararka maanta aan maqlayno, waa waxyaalo laga naxo, meel kasta ay joogaan dadkeena waxay la kulmayaan dhibaato, imisa qof lagu dilay South Africa oo soomaali ah, hantidooda dukaamadooda la boobay, wararka ka jira maanta dalka waa wax aan nafta u fiicnayn inay maqasho, maxaa sidaas ka dhigay bulshada daraad aadka u fiicnayn, tolow soomaalida waxay u kala baxeen qaar dalka lagu dilayo qaarna, badda ku dhimayo, qaarna dalalka qaarkooda xabsi loogu taxaabayo, qaarna cayr ku nool, runtii warka hadda na ahysto waa wax aan loo adkaysan karin, dhinac walba runtii waxaan u noqonay caalamka tusaale, cid kasta tusaale waxay u soo qaadanaysaa dalkeena xagga burburka gaajada dhibaatada rafaadka maanta dalka ku habsaday, dhibka ay ku jiraan dumarka iyo dadka waaweyn iyo caruurta, tolow waxaan kuu sheegayaa, umadda ayaa lagaa rabaa inaad wax u qabato oo aad xaliso dhibka dalkaaga haysta, hadalkan waxaan ku soo xirayaa, gabar soomaaliyeed oo askari kenyaan dhib u gaystay maalmihii rabshadaha ay ka jireen magaalada Nairobi garabka ayuu ka dhaawacay eeg gabadhan, dhibka haysta iyada anaga oo dhan ayuu na haystaa maanta, warka cusub iyo wareerka jira wejiga ayay walwal kaaga ridaan ee waanada qaado.

back to top