Jir xanuunka ma og tahay waxa keeno Body pain

No Comments
Jir xanuunka ma og tahay waxa keeno Body pain
Xanuunka inta badan wuxuu ka dhashaa bushi ama jirro, jirka meelaha ka xanuuno waxaa ka mid ah, gowsaha, ilkaha, lugaha, indhaha,  dhegaha, sanka, afka, carrabka, dhuunta, iyo lafaha, madaxa, qooraha, naasaha, maqaarka timaha ay ka soo baxaan, faraha, xubinta taranka, intaas iyo inta aanan soo xusinba way xanuunsan karaan, marka sidee lagu ogaan karaa bushiga jiro, horta xanuunyada waxay u kala baxaan kuwo caadi ah aan dhib weyn sii lahayn, oo ay iska caddahay sababahooda guud, sida madaxaxuunka oo kale ama meel marka dhaawac kaa soo gaaro, laakin haddii aan bukaan jirin ama dhaawac jirin oo aad ka dareento xanuun jirkaaga waxaad eegaysaa haddii xanuunka uu joogsado seddex maalin gudahooda waa sida la rabay, laakin haddii uu sii socdo xanuunka, markaas waxaa lagaa rabaa inaad aaddo rugta caafimaadka si aad u samayso baaritaan, waayo xanuunada qaarkooda waxay tilmaamaan cudur halis ah, marka hala sugin waqtiga, sidoo kale xubnaha taranka marka ay xanuunayaan iyagoo wax dhib ah gaarin iyagana shaki ayay leeyihiin, siida cambarka oo kale naagaha  wuu ka xanuunayaa ama faruuraha farjiga oo kale, ama daloolka dabada waa haddii baabsiir jirin, ninka bahalkiisana mararka qaarkooda waa xanuunayaa ama xiniinyihiisa, si kastaba marka aad wax yar iska dareento oo xanuun ah waxaa fiican inaad iska ogaato waxa cudur ah ku hayo.

back to top