Jini iyo insi guur ma dhex mari karaa

1 comment
Jini iyo insi guur ma dhex mari karaa
Arintan dood ayaa ka taagan culimada,  jinka ma awoodaa inuu u tago naagta banii aadanka ah? culimada qaar waxay sheegeen qofka aan xusin Alle marka uu xaaskiisa u tagayo shaydaanka ayaa la samaynayo shaqada iyagoo daliilsanaya axaadiis ku soo aroortay arintaas, jinka hadduu ka helo naagta waxaa laga yaabaa inuu soo weeraro habeenkii iyadoo hurdayso markaas uu shaqada ka cabo, saidaay ayay dhaheen, waxaa la sheegaa in dad reer Yamen ah ay u soo qoreen imaam Maalik warqad oo ay leeyihiin waxaa jira jin muslin ah oo raba gabar insi inuu guursado si xalaal ah? wuxuu yiri diinta ahaan dhib ma laha laakin waxaan ka baqayaa hadhowdii naag marka ay uur xaaraan ah qaaddo inay dhahdo jin baa i qabo, imaam Dahabi wuxuu ku sheegay kitaabkiisa Miisaan al-ictidaal fii naqdi arrijaal qiso la xiriirta jinka guursashadiisa isagoo ka warinaya sheekh Ibn daqiiq Alciid wuxuu yir : waxaan maqlay sheekheena cizi diin waxaan isla soo qaadnay magaalada dimashq anagoo joogno guursashada jinka Ibnu Carabi wuxuu yiri: arintaan wax suurtagalaayo ma aha maxaayeelay jirka insiga waa mug oo buuxa jinigana waa ruux aan la arkaynin isma qaban karaan, muddo yar kaddib ayaan arkay isagoo madaxa ka daqran wuxuu igu yiri waxaan guursaday naag jinnayad ah sedex caruur bay ii dhashay maalin ayaan ka xanaajiyay, markaas ayay igu dhufatay laf, dhaqarkan sidaas ayuu igu soo gaaray, wayna iga tagtay mar dambe ma arkin, sheekh Cizi Ibn cabdissalaam waa beeniyay Ibnu Carabi laakin imaam Dahabi wuxuu yiri : Ibnu Carabi khalwada ayaa ka badatay wuu isku dardarsamay hadaladiisa uma fiirsanin laakin inuu been sheego kama aha, cullimada oo aan suufiyada lunsan ahayn oo dhan ma oggola inuu jini guursado dad, waayo abuuristooda ayaa kala duwan, naagaha dhaho jini baa xalay i fuulay waa beentooda waswaas ayaa ka batay iyo kacsi nin bay u baahan yihiin, laakin Xaafid Ibnu Xajar wuxuu ku sheegay Fatxu Albaariga in ninka aan Ilaahay xusin marka uu xaaskiisa galmo la samaynayo inuu sheeydaan la galayo raaxada galmada xaaskiisa isagoo daliilsaday xadiiska Bukhaari wariyay.
hadalka marka la soo duuduubo jinka ma guursan karo insaanka waayo isku mid ma aha mana isfahmi karaan isku abuuna ma ah teeda kale gabar kasta nin la soo tumato oo uur soo qaaddo waxay sheeganaysaa in jini guursaday.

1 Comments:

nin saaxibkayga ah wuxuu ii sheegay in xaaskiisa dhowr jeer ay soo toostay iyadoo dharka laga siibay, mararka qaarkooda kastuumada xataa waa ka siibmay marka ay hurdayso waxyn a dareemaysaa culays jirkeeda soo fuulayo mararka qaar way qaylinaysaa waxaan filayaa waa laga yaaba jinka inuu sidaa sameynayo

back to top