Il iyo sixir habka ay wax u saameyaan Strange creatures

3 comments
Il iyo sixir habka ay wax u saameyaan
Waxaa jira sixir iyo il iyo jin, waxaana u dhexeeya farqi weyn dhamaantooda, waxaan uga hadlaynaa mid kasta si kooban

Sixirka waa wax jiro oo ku soo arooray Quraanka kariimka, dadka sixirka sameeyo waxay adeegsadaan shayaadiinta si ay u gaaraan dantooda, sixirka intiisa badan wuxuu ku dhisan yahay gaalnimo cad, tusaale ahaan markaan soo qaadano kutubta sixirka qaarkooda waxaa ku qoran qofka rabo inay gabar jeclaato wuxuu keenayaa hilib markaas ayuu ku qorayaa ayaado gaar ah uu kitaabkas sheegay oo Quraanka kariimka ka mid ah iyo gabadha uu rabo magaceeda iyo magaca hooyadeeda, markaas ayuu u tuurayaa eey dheddig ah oo madooban,  bal eeg gaalnimo ka weyn miyaa jirto in Quraan lagu qoro hilib dhiig leh marka eey nijaas ah loo tuuro, shaydaanka mar kasta wuxuu ka dalbaa ninka tafaafulaha ah ama sixiroolaha ah waxyaabo diinta looga baxo waxaa ka mid ah qofka sixirlowga Quraanka ayuu akhrIyaa isagoo qaawan ama wuxuu cabbayaa kaadidiisa, marka shaydaanka ayaa u adeegaya maadaama uu ka helay wixii uu faray, falka sixirka qofka ku dhaqaaqo gaalnimo ayuu lugta la galayaa siiba haddii uu yahay sida aan soo sheegnay taasna waxaa qaba culimada muslimiinta oo dhan, waxay sheegeen ninka saaxirka ah in la dilayo haddii lagu arko falka sixirka, waxaa jira sixirka lagu magacaabo sixirka madooban yuhuudda ayaa aad u adeegsan jiray.
Isha maxaa laga wadaa, dad waxaa jira qalbigooda aan nadiif ahayn, oo damca wax kasta Ilaahay addoomihiisa siiyo, markay tagaan guryaha dadka waxay eegayaa dadka waxa ay haystaan oo nimco ah, isagoon maa shaa Allaah oran ayuu si daran u fiirinayaa waxyaalaha dadka Alle siiyay oo khayar ah ama hanti ah, hadduu arko ilmaahaga wuu la yaabayaa wuxuu leeyahay waaba weynaaday cunugaaga war nasiib baad leedahay ilmo qurux badan ayaad dhashay, marka ishana waa wax jiro oo saamayn leh axaadiis ayaa ku soo aroortay nabiga - naxariis iyo nabadgelyo korkiisa hahaatee- wuu ka magangali jiray isha ducadiisa waxaa ka mid ahayd 
(أعوذ بكلمات الله التامة، من كل شيطان وهامة، ومن كل عين لامَّة)
(Alle ayaan kaga magangallayaa kalmadihiisa dhammaystiran shaydaan kasta iyo noole kasta iyo il kasta)
waxaad kaga badbaadi kartaa inaad  laasimto waysada iyo ducada iyo Quraanka.

Jinka waxaa maxay, waxaa jira makhluuqaad oo annagu arkaynin oo haddana nala jooga koonka, iyaguna na arkayaan sidii uu Quraanka sheegay, qofkii Alle ugu talaggalo ayay wax ku sameeyaan, inta badan jinka wuxuu joogaa meelaha najaasada badan geedaha qaarkooda iyo duurka, axaadiista waxay sheegeen in lafaha ay cunaan sidaa awgeed rasuulka - naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee- wuxuu naga reebay inaan ku istinjoono (kaadida ama saxara isaga nadiifino) lafaha, wuxuu yiri : ( waa cuntada walaalihiina jinka ah), jinka waxay isugu jiraan gaalo iyo muslimiin, sidoo kale qaarkooda marka ay gabadha ka helaan quruxdeeda waxaa laga yaabaa inay dhibaan, sidoo kale saaxirka wuu soo diri karaa jinniga si uu ugu dhibo qofka uu rabo, jini ayaa ku dhaco markaas, dumarka ama naagaha ayaa u badan sixrooleyaasha marka ay rabaan inay soo jiidaan gabdhaha sixir bay isticmaalaan, isticmaalka ugu dambeeyo awoodd ugu dambaysa ayay la soo baxaan,.

Waxaa jira astaamo lagu garanayo qofka la sixray ama isha ku dhacday ama jini hayo, waxaa ugu muhimsan jiro waxaa u imaanayso aan la fahmi karin ama daal caajis wahsi kacsi la'aan kedis ah hadduu naag qabo ma u yagi karo xaaskiisa
marka isha iyo jiniga iyo sixirka qofka Quraanka akhrisanaya siiba suuradda Albaqara iyo  Alfalaq iyo annaas oo waysada laasima waa laga Ilaalinayaa

3 Comments

aad baa looga adeegsadaa sixirka dalka india way ku dheereeyaan sixirka iyo masaska soo jiididooda

salaam alekon hadii aad rabtit quran sarka jinka sixirka isha waxaad ila soo xariire kartaa skpye somalia.islamic iyo telefoonka 0031180396849 shukran wax kasto dawo ayeey ledahey

Anaa rabo walal numberkagana waan qortay

back to top