Gogoldhaafka dumarka maxaa keena sideena lagu gartaa Social analyzing

No Comments
Gogoldhaafka dumarka maxaa keena sideena lagu gartaa Social analyzing
Runtii arinta aduunka way ka dhacdaa, taasna waxaa laga wadaa in naag la qabo nin kale ay raadsato, waa fal aad u xun, marwada la qabo ayaa ka foolxun xagga sinada gabadha, waayo haweeneyda marka la qabo wixii uur ah ay qaaddo ninkeeda ayay u keenaysaa, sidoo kale nin xalaal ah ayay haysataa maxaa u geenaya nin xaaraan ah galmo ama raaxo ka doonto,  gogoldhaafka naagaha inta badan waxaa u keeno dhowr arimo oo ay ka mid yihiin

  1. in ay mar hore xumayd oo dhilo qarsoon ay hayd waa sababka ugu daran.
  2. in ninkeeda uu ka mashquulay oo ay u heshay fursad nin kale deris la ah ama gurigeeda soo galay
  3. ninkeeda inuu safar dheer aaday, soomaalida aad bay uga safraan dumarka waa qalad weyn.
  4. inay aad u kacsi badan tahay oo ninkii aan ku filnayn oo aan sida la rabay u qancin karin.
  5. inay saaxib la noqoto dumar hallaysan oo ugu sheekaynaya raaxada nimanka iyo bahaladooda sida ay u kala weyn yihiin.
  6. inaysan iska ilaalinin inay nin meel gooni la gasho ama inay niman la shaqayso iyadoo la qabo, waayo naagta ragga la shaqaysa waxay la kulmaysaa waxyaalo iyada u roonayn.
  7. inay nin taleefan kula sheekaysato oo ajnabi ka ah, waayo taleefanka ninka lagula sheekaysto wuxuu fududeeyaa kulanka ninka iyo naagta, siiba marka laga sheekaynayo galmada iyo jirka ragga iyo dumarka.

Astaamaha lagu ogaan karo naagta inay ninkeeda sariirta ku khyaanto.

  1. Aad bay u adag tahay sirta naagaha in la ogaado, waayo naagaha wixii ay ugu talaggalaan la qariyo jini ma soo saari karo, laakin waxaa jira calaamado laga qaadan karo suluugga naagta xagga khiyaanada kuwaas oo ah:
  2. Naagta oo ninkeeda ka maagan oo marka ay sheekaysanayaan wejigeeda ka muuqda shallay iyo xumaato
  3. Naagta marka ninkeeda wax caadi ka hadlaya mar kasta hadalkeeda ka dhigta is difaac inuu ninkeeda wax ka sheegay oo kale.
  4. Inay galmadiisa aysan ka helin iyadoo aan kacsi yari haynin

naagta rabta inay ka badbaado arintan waa inay ka fogaataa waxyaalaha la soo sheegay oo dhan, sinada waa debi aad u weyn oo ay ku mudanayso naarta Alle

back to top