Nacaybka dumarka maxaa kuu keeni kara

1 comment
Nacaybka dumarka maxaa kuu keeni kara
Maxaa keena naagta inay ninka nacdo? waa su'aal humim ah oo u baahan jawaab rasmi ah, runtii ninka iyo naagta waxaa u dhexeeya jacayl ama nacayb, haddii ay is jeclaadaan aad bay u raaxaysanayaan, haddii ay is nacaanna waxay galayaan dhibaato weyn oo keenaysa guriga inuu burburo, sababaha naagta ay ninka ku nacdo waxaa lagu soo koobi karaa arrimahan soo socda

  1. Bakhaylnimo
  2. Been
  3. Mas'uuliyad la'aan
  4. Karti yari
  5. Mashaqaytenimo
  6. Jeesjees
  7. Dabaalnimo
  8. Kibir
  9. Hunguriweyni
  10. Sabar la'aan
  11. Raaxayn iyo romaansi la'aan

Marka yurub la tagay naago badan ayaa nimanka ka tagay oo iska furay, markaas rag kale soo raadsaday, waxaa la sheegaa naag ayaa Canada ku noolayd waxay maraysay sanadka 2008-ka lix nin, marba mid ayay guursanaysaa way iskaga tagaysaa, taas maxaa ku kalifay? waxaan filayaa in ragga soomaaliyeed badankooda ka soo bixi karin mas'uuliyadda guurka, gaar ahaan xagga galmada, haweenka tagay dalalka yurub wax badan ayay arkeen raaxada aad bay u fahmeen, waayo bulsho kale ayay galeen, ninkii soomaaliyeed oo hal nooc keliya galmada ka garanayay waxay ku qasbanaadeen inay yasaan oo ay raadiyaan nin ka culus ninkaas, waxaa kaloo jira, gabdho badan ayaa Youtubeka soo galiayay Video ay lee yihiiin nimanka somali wax kama tari karaan naagaha, xagga romantika waxaa laga yaabaa ninka inuusan xaaskiisa ku dhihin waan ku jeclahay waaba ka xishoonayaa iskaba daayee inuu kushiinka ugu galo oo afka ka dhuuqo ama naasaha ka istiimiyo, taas wuxuu u arkaa inay anshaxdarro tahay, hadda ayaa laga yaabaa dadka yaryar inay  ka duwan yihiin dadkii hore, xagga raaxada iyo jacaylka.

1 Comments:

waxaan garanayaa naag igu tiri nin soomaali rag ma aha nimanka cadaanka ayaa ka fiican iyo afrikaanta

back to top