Maxaa lagu sameeyaa qofkii xoolaha u tago

No Comments
Maxaa lagu sameeyaa qofkii xoolaha u tago
Diinta islaamka wax kasta way tilmaantay, waxaa ka mid ah waxyaalaha ay ka hadashay xukunka galmada xayawaanka, qofka u taga dhedigga xayawaanaadka culimada way isku waafaqsan yihiin inuu sameeyay fal xaaraan ah waana denbi aad u foolxun  xadiis ayaa ku soo arooray Ibnu cabbaas -raalli Eebbe haka noqdee-  uu Nabiga - naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee- uu ka wariyay wuxuu yiri rasuulku (Waa la lacnaday ruuxii u tago xayawaan) xadiiskan waxaa wariyay Imaam Axmed bin Xambal, culimada waxay isku khilaafeen abaalka uu mudanayo ruuxa u taga xoolaha

  • qaar waxay u arkeen inuu sino oo kale yahay qofka xaas leh in dhagax lagu dilo qofkii aan guursaninna in boqol jeedal la dhufto
  • qaar waxay u arkeen in si kastaba la dilo qofka u tagay isaga iyo xaywaanka uu u tagay
  • qaar waxay u arkeen in la tacsiirinayo (la edbinayo).

inta badan dadka xoolaha u tago waa dadka guurka ka daaha, waxaa la sheegay nin oo waardiye ka ahaa meel ku taalla magaalada Baghdaad dalka Ciraaq ayaa wuxuu sheegay inuu ey dhabi jiray wuxuu ku bartay qabow ayaa jiri jiray eyda waxay soo hoos gali jirtay isaga, wuxuu baray galmada eydii waxay ku raaxaysan jirtay galmada ninka, wuxuu sheegay inuu ka kulul yahay farjiga eyda kan haweenka, marka ninkaas guurka ayuu ka daahay, dadka inta badan xayawaanka ay u tagaan waa ariga lo'da eyda, sidoo kale naagaha iyagana haddii ay xayawaan u dhiibaan isla xukunkaas ayay leeyihiin, arintan waxaa caan ku ah daayeerka, iyo eyga

back to top