Sirta u dhexaysa inanta quruxda badan iyo tan caadiga ah

No Comments
Haweenka jamaalka Ilaahay siiyay waxay leeyihiin waxyaalo badan oo jamaalkaas hoos u dhigaya wax wada fiican layskuma helo inta badan, haddii aad guursato naag aad u qurux badan waxay kugu waalaysaa aniga immisa qof i rabtay hebel ma taqaanaa ayaa isoo doontay nin kaa lacag badan ayaa jeclaaday, adiga nasiib ayaad leedahay haddii aad aniga i guursatay maantoo dhan waxay ku jiraysaa kibir iyo yasid iyo islaweyni, hablaha jamaalka lagu arsaaqay inta badan kibir ayaa ku jira sanka ayay taagaan, laakin marka aan eegno gabadha dhexdhexaadka ah lagama yaabo ninkeeda inay yasto ama ugu faanto quruxdeeda ama inay ku tiraahdo aniga saas aan ahaa hebel ma aragtay waa iga dabada carari jiray, gurigeeda si fiican ayay u dhaqanaysaa, midda quruxda badan waxaa laga yaabaa maantoo dhan inay muraayad ay hor fadhiso, oo weli marka ay jidka marayso ay iska dhaadhiciso inay tahay atariisho oo ragga dhan iyada ku maqan yihiin.

back to top