Caddeynta ugu sahlan ee wejiga oo la caddeeyo

No Comments
Caddeynta ugu sahlan ee wejiga oo caddeeyo3
Kareemka ugu fiican
Jirka in la nadiifiyo waa wax aad u muhimsan oo labada isqaba isku jeclaadaan, jirka see loo cadeeyaa? cadynta wejiga ama jirka dumar badan ayaa u baahan, waxay adeegsadaan daawada jirka lagu cadeeyo, taas ma ficna waxay keeni kartaa dhib aad u ballaaran, dawada jirka lagu cadeeyo markii naagta ay adeegsato oo ay iska dayso jirkeeda waxaa ka soo yaacaya finan badan.
laakin waxaa jira waxyaalo dabiici ah oo jirka midambkiisa fura oo iftiin ka dhiga, marka hore waxaad ku dadaashaa inaad badsato qudaarta iyo furudka waayo waxay leeyihiin waxyaalo badan oo jirka qofka u baahan yahay oo keeni kara if.
midda labaad waxaad ku dadaashaa qubayska iyo nadaafadda waa inaad jirkaaga ku nadiifisaa saabuun, qubayskana waa inaad badsataa.
midda seddexaad ka fogow inaad qorraxda in badan joogto, wejigaagana saliid ha marinin waayo marka wejiga ama jirka saliid la mariyo oo qorraxda lagu socdo midabka madow ayay ka dhigaysaa, tusaale ahaan kurbunta ama kurta oo bunka lagu shubo marka geedka laga soo gooyo midabkeeda waa furan yahay oo cusub tahay, laakin marka saliidda kulul lagu shubo oo ay hawada marto midabkeeda madow ayay isu rogaysaa, taas waxaa yeelayso qorraxda iyo hawada iyo saliidda kulaylka.
soomaalida waxay adeegsadaan daawada lagu magacaabo diyaana oo dadka caddaysa, siiba dumarka jabuutiga ayaa aad u adeegsada, iyo naagaha reer waqooyi siday u badan yihiin, waxaa  fiican in laga fogaado, oo loo jeesto daawada dabiiciga oo hadda aan ka soo hadlay, jirkaaga ku cadee si fudud oo dabiici ah, marki kareemka fitamiinka leh, liinta qubkeeda inta la shiido ayaa la mariyaa wajiga, midka ayuu furaa.
webka xidig waxaa ku jira daawoyin dabiici ah oo jirka si fiican u caddeeya oo ah malab iyo ukun ayaa ka mid ah waxyaalaha laysku daro oo foolka la mariyo.
teeda kale waxa dabiiciga ah qofka dhib uma keenayo xitaa haddii uu joojiyo, lakin diyaana iwm. dhib ayay kuu soo jiidayaan haddii aad iska dhaafto oo aadan marsanin. 
dadka adeegsada waxay sheegaan inuu fiican yahay caremka lagu magacaabo fair & lovely.

back to top