Qisaadii gabadha afrikaanka guursan rabtay

No Comments
Waxaa la sheegaa gabar soomaaliyeed oo aad u jeclayd nin afrikan ah oo ku noolaa dalka Kenya, gabadhii waxaa la dhahay ninkas ayay rabtay inay guursato, ninka wuxuu ahaa nin ayna ka muuqanin afrikaannimada wuxuu ahaa nin san dhuuban oo cas oo qurux badan, naagtii marka ninka ay u bandhigtay guurka wuxuu yiri aniga waxaan ahay shiidle nin jareer baan ahay oo soomaali  ah, naagtii inta ay ku xanaaqday waxay tiri iga tag jareer maa tahay afrikaan baan ku moodayay, isaga wuxuu ku yiri makala taqaanaa afrikaan iyo jareer, maxaa u dhexeeya gabadhii jawaab ayay u weysay ninka, markaas ayuu ku yiri jaahilad baad tahay waxaa kaloo aan kuu sheegaa aniga iyo adiga hal meel inaan ka soo jeedno, nabi nuux ayaan kugu sugayaa si kasta u sooo abtirso.



back to top