Buufiska yurub bikrada gabadha ayuu latagay

No Comments
naagtabyurub
bigrada iyo baasaboorka
Shacabka somaliyed sida badan waxay u waasheen wadamada reer galbeedka, qof lacag haysta wuxuu ku dhibaa inta lacag uu hayo leenka,  heer waxaa la gaaray in lagu bixiyo leenka lacag gaaraysa 20,000, taas ilaa iyo hadda wax lagu fasiro lama garanayo, sidoo kale waxaa jira leeman bad ah oo iyagana nafta lagu waayi karo, leenka ugu qaalisan waa midka guurka beenta ah oo lagu khiyaano gaalada, waxaa kaloo jira wax ka sii daran kaas oo ah nimanka mukhalasiinta ah waxay sameeyaan arin yaab leh, tasoo ah gabar oo yar bikaaro ah ayay kaga gataan bigrajabinteeda buufiska, gabadha ayuu u balan qaadayaa inuu yurub galinayo laakin waa inuu marka hore ku raaxaystaa, marka uu ka dhergo  leen ayuu ku tuurayaa, guur hadduu ahaan lahaa waxaa la dhihi lahaa waa wax iska fudud bal waa tumasho liidato, gabar bigradeeda waxay ku iibsanaysaa inay qoxotooti ku noqoto yurub, marka ay meesha gasho waxay kala kulmaysaa shallayto, waa wax dhab ah dad badan ay la socdaan.

back to top