Yaa fiican naagta sheekada badan iyo tan shubanada ah

No Comments
Maryoley dumar waxay u kala baxaan xagga sheekada labo nooc, hablo waxaa jira ka hela sheekada, maanta oo dhan sheekayn kara, astaamaha lagu kaso hablahaas waxaa ka mid ah, codkooda ayaa dheer, marka ay hadlayaan, sidoo kale inta badan awooto ayaa soo korisay, kuwo waxaa jira aan sheekayn karin, oo aamusitaanka ka helo, haddaba yaa fiican naagta warka badan iyo tan aamusan, runtii naagta aamusan ayaa fiican, waayo aamusitaanka waa dahab, hadalka balaayo oo dhan ayuu soo jidaa, dhibka oo dhan waxaa keena hadalka, dagaal oo dhan wuxuu ka bilaabanaa hadal, waxaa kaloo jirta qofka hadalka badan inta badan shaqo kama helo, ileen afka ayuu ka shaqeeyaa, jaanis uma hayo inuu gacmahana ka shaqeeyo, haddii aad guursanaysid ka fogow gabar daroori oo maanta dhan hadlayso si naag canjal laqday oo kale, sidoo kale naagta marka ay afka ka falan tahay, nimanka xitaa afka ayay la galaysaa, way sahlan tahay nin kasta inay barato.

hadalka naagta

back to top