Utagida naagta jirran dhib ma u keentaa ninka

No Comments
Jirada ayaa dhowr loo qaybin karaa, kuwaas oo kala ah jirro fudud iyo mid culus sidoo kale jirro laysu gudbin karo iyo jirro aan laysu gudbin karin, haddii jirrada ay fududahay sida hargabka oo kale ama madax-xanuun iyo iwm. ah waxaa lagu tiriyaa jirro iska fudud ninka naagta hadduu u galmoodo wax dhib kama soo gaaro, haddii hargab hayo ayaa laga yaabaa inay ku daarato hargabkaas, hargabna wax weyn ma sii aha, laakin jirrada marka ay culus tahay iyadana waxay u kala qaybsantaa mid la isku daaran karo iyo midaan laysku daaran karin, jirrooyinka laysku daaran karo waxaa ka mid ah Aidhiska oo kale ama jirrooyinka maqaarka ku dhaco oo kale haddii ninka naagta uu u galmooda inta badan way ku daaran kartaa, jirrada ayaa u soo gudbayso ninka, waxaa isweydiin mudan naagta haddii ay qandhan tahay ninka ma ku daaran kartaa? horta waxaad ogaataa qandhada inay jirro tilmaamayso jirradaas ayay ku xiran tahay waxa ay tahay haddii ay tahay mid laysu gudbin karo waa laga yaabaa inuu ninka ka qaado, haddii kalena maya, naagta marka ay qandho hayso siilkeeda aad buu u kululaanayaa, wuxuu noqonayaa sida dabka oo kale, laakin galmada kuma raaxaysan karto, waayo kacsiga wuxuu u baahan yahay caafimaad dhamaystiran, marka iska ilaali naag xanuunsan inaad u tagto, haweeneyda marka ay jiro qabto waa laga fogaadaa galmadeeda, dumarka guud ahaan raaxo kuma fiicna marka ay jiran yihiin.

back to top