Somalida ku nool qurbaha sida ay kala aaminsan yihiin

1 comment
Waxaa dareemi kara qofka meeshaan joogo, laakin kan dalkiisa joogo ma fahmi karo dhibka lagala kulmayo qurbaha, ma ogtahay marka aad ku nooshahay dal aadan lahayn in lagu yasayo, dadka dalkaas u dhashay ay aaminsan yihiin inaad ciriiri ku hayso, waxaa laga yaabaa inay dowlada u mujaamalaynayso dunida sidii aan loo dhihin xaqa insaanka ayay ku cayaaraysaa, haddii taas jiri lahayn dadka dalka iska leh intay soo fasaxdo ayay dadka kooytada baabi'in lahaayeen, waxa south africa ka ka dhacay ayaa daliil kuu ah, waxaa aad u yaab badan dad badan soomaaliyeed is mooday inay dhalad ka yihiin dalalka ay baasaboorada ka qaateen, isma oga qofka somaliga inuu soomaali yahay , soomaalinimadana waa wax kaa tirtirmaynin, dowladda baasaboorka ku siisay ayaaba sidaas aaminsansan inaadan waligaaga noqonaynin Swedish ama danish ama American, ma samayn kartaa sida maykal jaksan sameeyay? inaad maqaarkaaga kore aad fujiso oo aad jirkaaga cadaan ka dhigto? xitaa haddii sidaas aad samayso noqon maysid cadaan, soomaali baad ahaanaysaa diid ama doon, qaar baa caqli leh dareensan inay soomaali yihiin oo ay dal leeyiin, kuwa aaminay inay soomaalinimada ka baxeen, ciyaalkooda ma baraan af soomaaliga inay bartaan.

cilaan saar baa jira haddalaan weyn kan
haweenka jirka buuran lehfootada xamar
suxul baruur waa maxay

1 Comments:

Waaaw wan ku slmy ilhey dartis

back to top