Gabar shiisho baratay shido maa u dhiman

No Comments
Lumitaanka xagga dhaqanka waxaa keena sababo aad u fara badan oo la xiriira qofka habka uu ugu nool yahay bulshada, marka aan ka hadalno doorka uu ka cayaarayo qofka aad la saaxiibayso waa arrin aad u khatarsan, qofka saaxiibka aad ka dhiganayso wuu ku saameeyaa runtii, maxaayeelay waxaad arkaysaa maalin kasta waxa uu hortaada ku samaynayo, marka bulshada aad ku nooshahay aad aragto waxyaalaha qaar inay caadi yihiin, adigana waxaad is arkaysaa barito  inay caadi kula yihiin, dadka hortooda ayaad ku samaynaysaa, tusaale ahaan markaan soo qaadano dhaqamada ka jira dalalka reer galbeedka oo kale waxaa agtooda caadi ka ah ninka inuu la dego naag uuna qabin iyo inuu galmo la sameeyo, si asoo qabo oo kale, waxaad arkaysaa ninka xafiiska ayuu ugu tagayaa naagta uu rabo inuu u tago isagoo dadka ka xishoonaynin, meesha intuu ku foorariyo ayuu u galmoonayaa, keliya albaabka ayaa laga yaabaa inuu soo xirto ama uu soo laabo, sidoo kale waxaa laga yaabaa inay uur qaado oo uurkaas inuu sheegto oo u dhaho anaa dhalay, badankooda maba guursadaan naagaha markay ilmo xaaraan ah ka dhalaan mooye, marka bulshada qofka aad bay badalaysaa dhaqankiisa, haddaan tusaale soo qaadano naagaha soomaaliyeed sigaar ma cabaan laakin waxaa la arkay naagaha yimid dalalka qaarkooda inay sigaar bilaabeen, waxaa la sheegaa haweenka aan aadka uga leexanin arimaha yaabka badan inay yihiin naagaha jabuuti, haweenka reer jabuuti raga aad bay u dhexgalaan way ku fudfudud yihiin xagga sheekada raga, iyo shukaansiga ,labiskoodana wuxuu u badan yahay dirac khafiif, sidoo kale dalka jabuuti ayaaba sidaas ah.


fiirinta jacaylka suugaantadabada weyn joogga

nuugmada geedka ninkagabar sigaar cabaysa

back to top