Ceebta ay leeyihiin nimanka maryoleyda

No Comments
Waxaan ku arki jirnay dalka hooyo in haweenka cuntada ay nimanka uga tagaan, xaaska waxay ku dadaalaysaa in ninkeeda marka hore cuntada cuno iyadana markaas kaddib jikada ayay ku cunaysaa, ceeb ayuu u arkayaa ninka inuu xaaskiisa cunto  la cuno, dhaqanka noocaas ah waa mid faashil ah, xaaskaaga waxaa lagaa rabaa inaad la cunto cuntada, diinta waxaa ku soo aroortay inaad ajar ka helaysid marka xaaskaaga afka aad u galiso cuntada, marka maxaad uga xishoonaysaa inaad la fariisato oo aad la qadayso ama aad la cashayso, waxaa kaloo hadda jira dhaliyarada qaar xaaskiisa inuu raaco  oo uu jidka la maro ma oggola, laakin naagta uu shukaansanayo waa ka helaa inuu la socdo, xitaa inuu makhaayad la galo oo uu la cunteeyo, maxay tahay dhaqanxumida noocaas ah, maxaa jira, war xaaskaag si fiican ula sheekayso, ogow jacaylka idinka dhexeeya inuu sii kordhayo marka aad cuntada isla cuntaan ama aad meel isu raacdaan, raaxada galmada ugu fiican ayaad dareemaysaa marka aad galmo samaynaysaan, waayo jacaylka qalbiga buu ku xiran yahay, marka aad si fiican isu fahantaanna waad awooddaan inaad raaxaysaan idinkoo is jecel



ilkacascuntada kacsiga haweenka
faaiza xasandiraca jabuuti

back to top